KENYA oo 4 maalmood Dhoofinta Qaadka ka faa’iiday labo Milyan oo Dollar

qaad

Kenya ayaa dib u soo celinta dhoofinta Qaadka Mirooga ee Soomaaliya, waxay afar maalmood gudahood ka faa’iiday 221 Milyan oo ah lacagta dalkeeda, taas oo u dhiganta $1,861,836.56.

Waa lacag u dhiganta ku dhawaad laba malyan oo dollar oo ay Kenya ka faa’iday ganacsigeeda Qaadka ee Soomaaliya, sida ay sheegtay madaxa Jaadka Mirowga iyo dalagyada kale ee Kenya.

Felix Mutwir, ayaa shaacisay in Kenya ay Muqdisho u dhoofisay 81.4 tan oo Miiroo ah afar maalmood, kadib markii suuqa dib loo furay.

“Waxaan ilaa hadda dhoofinay 81.4 tan afartii maalmood ee la soo dhaafay, waxaanan filaynaa in xajmigu uu kordho maalmaha soo socda iyadoo dad badan loo fasaxay si ay badeecaddahooda dhoofiyaan,” ayay tidhi.

Ganacsatada Kenya waxa ay halkii kiilo oo Jaad ah ku iibinayaan 2,734 oo ah lacagta dalkaas ah, taasoo ku dhawaad Sh238 ka yar qiimihii lagu iibin jiray ka hor inta ayna dowladda Soomaaliya xidhin ganacsiga Miirooga.

Lacagta Kenya sheegtay waxaa ka baxsan qaadka aan diiwaangashaneyn ee ka soo gudba xuduudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here