Kenya oo bilowday inay ka laabato go’aanadii ay Soomaaliya ku cadaadineysay

somalia kenya flag

Dowladda Kenya ayaa dib uga laabatay go’aan ay markii hore u muuqday mid ay ku cadaadiso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala dhaxeyso dacwad ku saabsan dhul Badeed ay leedahay Soomaaliya oo ay dood gelisay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay ka laabatay Xayiradii ay horey u saartay Kalluumeysato Gobolka Lamu ee ka kalluumeysan jiran Xeebaha u dhow kuwa Soomaaliya.

Xayiradaan ay qaaday Kenya ayaa aheyd in Habeenkii wixii ka dambeeyo labada Saac aysan kalluumeysatada kasoo kalluumeysan karin Xeebaha ku teedsan Soomaaliya.

Go’aankaan oo markii hore soo baxay 7 bil ka hor ayaa la sheegay inuu ujeedkiisa ahaa sidii Soomaaliya loogu cadaadin lahaa inay ka laabato dacwadda Badda ee hor taalo Maxkamadda ICJ.

Waxay Kenya xilligaas marmarsiiyo ka dhigatay inay go’aankaas u qaadatay arrimo dhanka ammaanka ah iyo cabsi ay ka qabto in la dhibaateeyo muwaadiniinteeda sida ay hadalka u dhigtay waqtigaas.

Dowladda Kenya ayaa sameysay dhawr tallaabo ay ku dooneysay inay Soomaaliya kaga hor istaagto dacwadda Badda ee kala dhaxeyso balse marnaba ma aysan suurta gelin.

Ugu dambeyntii Dowladda Kenya oo dareensan in looga guuleysan doono dacwadadaas ayaa Maxkamadda ICJ ka codsatay in dib loogu dhigo dacwadda muddo 12 Bilood balse maxkamadda ayaa ugu dambeyn dib u dhigtay laba Bil oo kaliya.

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid aad usii xumaanayo waxayna mar kala qaateen safiiradii u kala joogay labada dal inkastoo markii dambe laga heshiiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here