Kenya oo cadeysay in Axmed Madoobe u shaqaynayo

somalia kenya flag

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa war ka soo saartay doorashadii Jubbaland ee shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kenya ayaa marka hore hambalyo u dirtay madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa loogu baaqay dowladda dhexe in ay la shaqeyso maamulka Jubbaland, islamarkaana khilaafka jira lagu dhammeeyo wada-hadal.

Ugu dambeyn warkan ayaa lagu sheegay in Kenya ay la shaqeyneyso maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Hadalka Dowladda Kenya ayaa cadeynaya inuu Axmed Madoobe ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaaliya ee Kenya u adeegsanayso inay badda iyo Dhulka Soomaaliyeed ku boobto.

Dowladda federaalka ayaa qaadacday natiijada doorashadaasi, kadib qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia.

Halkan hoose ka aqriso: 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here