Kenya oo ceyrisay qareenadii ku matalayey dacwadda ICJ

monica juma

Dowladda Kenya oo tabarteeda isugu geysay arrinta kiiska Badda ee kala dhexeey Soomaaliya ayaa ceyrisay qaar ka mid ah Qareenadii ku matalayey maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi Kihara Kariuki, ayaa isku raacay in la bedalo lix qareen oo caalami ah, iyaga oo qaadanaya kuwa cusub.

Sidoo kale waxa ay maxkamadda ICJ, ka dalbadeen in dib loo dhigo dhageysiga kiiskaasi, waxaana ay sababta ku sheegeen inay doonayaan inay qaataan Qareeno kale.

Qareennada la ceyriyey ayaa waxaa ay kala yihiin, Payam Akhavan oo u dhashay Mareykanka,  Vaughan Lowe oo u dhashay UK,  Alan Boyle oo u dhashay UK,  Mathias Forteau oo u dhashay France, Mr Karim Khan UKand iyo  Amy Sanders oo u dhashay UK.

Sababta loo eryey Qareenadani ayaa lagu sheegay, kadib markii ay wax natiijo ah ka soo hooyo waayeen fadhiyadii hore ee maxkamadda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysay, iyadoo xalay Soomaaliya ay Kenya kaga adkaatay codeyn ka dhacday golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika ee Addis Ababa, taas oo la xiriirtay muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

ICJ ayaa la filayaa in todobaadla dambe ay dib u bilowdo dhageysiga dacwadda Badda, waxaan dooda ku horreyn doonto Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here