Kenya oo DF soo gaarsiisay warqad cadeyneysa iney dhaqangelisay heshiisyadii labada Madaxweyne

farmaajo iyo uhuru

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya kaas oo u muuqday in la soo gaarsiiyey Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in Kenya dhaqan gelisay heshiiskii ay dhawaan wada galeen Madaxweynayaasha labada dal.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in heshiisyada ay kamid ahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho oo markii hore sii mari jiray Magaalada Wajeer oo dadka dhibaatooyin ku qabeen.

Sidoo kale  diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya in ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya, taas oo Kenya horay u joojoisay.

Sidoo kale Kenya ayaa raja waxaa ay ka muujisay in Soomaaliya ay dhankeeda dhaqan gelin doono heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo uhurru Kenyatta ay ku wada galeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in todobaadkii la soo dhaafay diyaarad ka baxday Magaalada Muqdisho ay duulimaad toos ah ku tagtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, iyada oo markii hore ay sii mari jirtay Magaalada Wajeer.

Heshiiska labada Madaxweyne oo dhacay 14-kii Bishaan November ayaa waxaa xilligaas shaki ku aadan in ay ka wada hadleen Arrimaha muranka Badda  ka muujiyey Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka iyo Siyaasiyinta mucaaradka qaarkood, wallow Madaxtooyada Soomaaliya ay sheegtay in aan laga hadlin arrimo la xiriira Badda, isla markaana dacwadda ay Go’aan ka gaari doono Maxkamadda ICJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here