KENYA oo DF u jeedisay eedeyn yaab leh oo la xiriirta WEERARKII Ceel-Cadde

somalia kenya flag

Kenya ayaa ku eedeysay hay’adaha amniga Soomaaliya inay ogaayeen weerarkii Al-Shabaab ay 15-kii January 2016 ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu dilay 150 askari oo Kenyan ah.

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation, eedeyntan yaabka leh ayey Kenya ku sheegtay dokumentiyada ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee Kenya ay isku dayeyso inay boobto.

Kenya ayaa sheeegtay in warbixino sirdoon oo aan la isku haleyn karin, cadaawad ay dadka deegaanka u qabeen ciidamada Kenya, iyo xiriirka Amisom dhexdeeda ah oo aad u xun uu horseeday khasaare xooggan oo ciidankeeda soo gaaray.

Hase yeeshee, ayey tiri Kenya, arrinta ugu walaaca badan ayaa ah in koox ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ay ka war-hayeen weerarka kusoo socday ee lagu beegsanayey Kenyan.

“Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay kooxda QM ee kormeerka cunqabateynta hubka ee Soomaaliya ee UN Monitoring Group inay ka war-hayeen in dagaalyahanada Al-Shabaab ay isku urursanayeen meel u dhow Ceel-Cadde, inkasta aan la ogeyn bartilmaameedkooda dhabta ah – waxayna ku war-geliyeen dhiggooda Kenya,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Si kastaba kadib weerarka, ciidamada Kenya way beeniyeen in loo digay,” ayey tiri warbixinta.

Kenya ayaa sidoo kale eedeyn u jeedisay dadka deegaanka oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, ayada oo sheegtay xiriir la’aantooda ay sabab u aheyd inaysan xog badan helin, sababtuna ay tahay inay Kenyan-ka u arkeen cadow taageeraya beesha Ogaadeen ee ay is-hayaan, sida lagu sheegay warbixinta.

Sheegashada Kenya ayaan loo hayn wax caddeymo ah, waana qeyb ka mid ah difaacooda kiiska dacwadda badda ee aadka looga yaabay oo muujinaya in Kenya aysan haysan wax dood sharci ah oo ay ku boobto badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here