Kenya oo dib u billowday dhismaha derbiga ay xadka Soomaaliya ka sameyneyso

kenya iyo somalia map

Dowladda Kenya oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ciidamo dheeraad ah dhigtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya  ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay billowday dhismaha darbiga dheer ee ay ka dhiseyso xadka labada dal.

Ciidamada la dhigay xadka ayaa la sheegay inay waardiye ka noqon doonaan dhismaha darbigaas oo laga dhisayo dhanka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Korneyl Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga dalka, kuna sugan gobolka Gedo ayaa sheegay inay Kenya soo celisay dhismaha darbigaas, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in laga hortago dhismahaasi oo uu sharci darro ku tilmaamay.

”Waxaan doonayaa inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaago Kenya inay soo celisay darbigii, iyadoo ciidan badan geysan xadka labada dal.” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga hortimid dhismaha darbiga ay xadka ka dhiseyso Kenya, waxaana Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ay arrintaasi ka wada-hadlleen sanadkii 2018-kii, balse lama oga waxa haatan soo celiysa dhisida darbigaas.

Kenya ayaa sababta u dhiseyso sidoo kale horey ugu sheegtay sababo la xiriira ammaanka dalkeeda, si ay uga hortago weerarada uga imaanaya dagaalyahanada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here