Kenya oo jawaab rasmi ah kasoo saartay go’aankii DF kusoo ceyrisay safiirkeeda

astaanta kenya

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ramsi ah kasoo saartay go’aankii dowladda Soomaaliya ay shalay ku cayrisay safiirkii Kenya u fadhiyey Muqdisho, uguna yeeratay safiirkeeda Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, ayada oo u adeegsaneysa Axmed Madoobe inay carqaladeyso doorashooyinka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya waxay sheegtay inaysan xiriir rasmi ah, mid qoraal ama mid af, ka helin dowladda Soomaaliya, taasi oo la xiriirta in safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo wada-tashi loogu soo diray Nairobi.

Si kastaba, wasaaradda waxay sheegtay inay ka war heshay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo arrintaas la xiriira, kaasi oo ay sii daayeen warbaahinta.

“Dowladda Kenya waxay si qoto dheer uga xun tahay ficillada nasiib-darrada ah ee u muuqda inay qaadday dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay uga codsatay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo, inuu dalka ka tago, oo uu wada hadal ugu soo laabto dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ficilkan waxaa saldhig looga dhigay eedeymo aan sal lahayn, oo ku saabsan ‘farogelin socota oo Kenya ay ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ay ixtiraamtaa, oo ay ilaalisaa mabaad’ida caalamiga ah, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayuu qoraalka intaas ku daray.

Kenya ayaa sheegtay inay ku celineyo taageerada ay u hayso tallaabooyinka ay qaadday dowladda federaalka ee la xiriira fulinta tub siyaasadeed ku saabsan siyaasad loo dhan yahay, oo ay ku jirto heshiiskii September ay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ka gaareen hanaanka doorashada.

Waxay intaas ku dartay inay ku taageereyso dhammaan shacabka Soomaaliyeed raadinta ay ugu jiraan nabad iyo xasillooni loo maro diblomaasiyad, ayada oo caawimaad ka gaysaneysa dib aas-aasidda

hay’adaha maamulka siyaasadeed, dib u habeynta laamaha amniga, ganacsiga, kaalmada horumarka iyo gargaarka bani’aadamnimada.

“Ujeedada dadaalladaan ayaa ah in la kobciyo nabadda, xasilloonida iyo deris-wanaagga oo dammaanad qaadaya aasaas adagna u noqonaya barwaaqada siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here