Kenya oo ka baxday kiiska dacwada badda Soomaaliya ee maxkamadda ICJ

ICJ2

Dowladda Kenya ayaa ka baxday kiiska dacawadda badda Soomaaliya ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kaasi oo qorshaha uu ahaa in maalinta berri ah uu dhageysigiisa ka billowdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), waxaa sidaas weriyey wargeyska Daily Nation.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray inuu arkay dokumenti ay Kenya u dirtay maxkamadda kuna wargelisay inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga dacwadda, kadib markii hore ay maxkamadda u diiday codsiga Kenya ee ahaa in kiiska markii saddexaad dib loo dhigo.

Warbixinta Daily Nation ayaa lagu sheegay in Kenya ay maxkamadda ku eedeysay inay u xaglineyso Soomaaliya, islamarkaana aysan diyaar u aheyn inay aqbasho codsiga Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya, Kihara Kariuki ayaa go’aanka Kenya u gudbiyey Maxkamadda ICJ, 11-kii bishan March.

“Kenya waxay jeceshahay inay maxkamadda ku war-geliso inaysan ka qeyb geli doonin dhageysiga ee la jadwaleeyey 15-ka March,” ayuu xeer-ilaaliye Kihara Kariuki ku yiri warqadda uu qoray.

Kihara Kariuki ayaa warqadda ku sheegay in cudurka COVID-19 dartiis aysan Kenya awood u yeelan inay sidii loo baahnaa ugu diyaar garowdo kiiska, islamarkaana cudurka uu yimid markii Kenya ay qoratay koox cusub oo qareeno ah.

“Sababtaas darteed, Kenya iyo kooxdeeda sharciga waxaa loo diiday fursad ay ku sameeyaan diyaar garowga lagama maarmaanka ah,” ayuu Kihara Kariuki ku yiri warqaddiisa oo loo gudbiyey diiwaan-geliyaha Maxkamadda, Philippe Gautier.

Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in cudurka COVID-19 dartiis, miisaaniyaddii dalka ay gaartay waxyeelo weyn, taasi oo saameyn ku yeelatay u diyaargarowga Kenya ee ah inay kiiska iska difaacdo, sida qoraalka lagu yiri 

Waxay sidoo kale Kenya ka hortimid go’aanka maxkamadda ee ah in kiiska loo dhageysto qaab online ah, taasi oo ay sheegtay “Inaysan ku habooneyn kiis sidan oo kale u cakiran.” 

Sida uu sheegay Kihara Kariuki, kiiska Kenya ayaa ku dhisan inay qaab sawir ahaan wax u muujiso, sidaas darteedna buu yiri laguma fulin karo video.

Doodda kale ee Kenya ay ka keentay kiiska ayaa ah garsoore Abdulqawi Ahmed Yuusuf oo ah Soomaali, ayada oo ay sheegtay in ka qeyb-galkiisa “aysan Kenya siineyn kalsooni.”

Ma cadda hadda go’aanka ay maxkamadda qaadan doonto, inay mar kale kiiska dib u dhigi doonto, iyo inay dhageysiga guda geli doonto ayada oo aanay qeyb ka aheyn Kenya.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Kenya ay sidoo kale sheegtay in hadda iyo wixii ka dambeeya aysan ka qeyb gali doonin kiiskaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here