Kenya oo ka hadashay eedeyntii cusleyd ee uga timid dowladda Soomaaliya

astaanta kenya

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay eedeyntii cusleyd ee shalay uga timid dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Nairobi ay faro-gelin xooggan ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu yeerayso Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.

Afhayeenka dowladda Kenya, Korneyl Cyrus Oguna oo la hadlay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in Kenya aysan weli helin dacwad rasmi ah oo kaga timid Soomaaliya, marka laga reebo war-saxaafadeedka lagu baahiyey warbaahinta.

Waxa uu sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

“Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray Dowladda Soomaaliya, kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbahainta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan,” ayuu yiri Oguna.

“Haddii ay jirto cid wax ka tabaneysa dowladda Kenya waxaa jira wadiiqooyin loogu talo galay oo ay tahay in la maro oo lagu dacwoodo. Marka wax dacwad oo rasmi ah oo inaga soo gaartay safaaradeenna Muqdisho ma jirto.”

Oguna oo ka hadlay joogitaanka Cabdirashiid Janan, oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya ee Mandhera, ayaa yiri “Mana jirta sabab aanu u martigelino qof baxsad ah.”

Oguna oo wax laga weydiiyey xiisadda Beled-Xaawo, oo ay isku hayaan ciidamada dowladda iyo Jubaland, ayaa sheegay in Kenya ay sugeyso amniga xuduudaheeda.

“Ka dowlad ahaan shaqadeenu waxay tahay in aan ilaalino xuduudaheena iyo in aan xaqiijino haddii uu iska hor-imaad dhaco in aanu usoo gudbin xadkayaga, si aynu u xaqiijino difaaca shacabkeena,” ayuu yiri Cyrus Oguna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here