Kenya oo qoraal cusub oo yaab leh kasoo saartay kiiska dacwadda badda

uhuru kenyatta2

Dowladda Kenya ayaa soo saartay qoral ka kooban 11 qodob oo ay kaga hadleyso sababta ay kaga maqneyd dacwadii badda ee dhawaan lagu dhageysatay maxkamadd cadaaladda adduunka ee ICJ.

Kenya ayaa cadaalad darro ku tilmaantay in maxkamadda ICJ ay bilowday dhageysiga gal-dacwadeedka iyada oo ay Kenya ka maqan tahay, walow ay si iskood ah u maqnaayeen, oo cidna aanay ka hor-istaagin.

Qoraalka ay soo saareen oo ku taariikheysnaa maanta 19-ka Maarso, waxey dowladda Kenya eed gaar ah dusha uga tuurtay Cabdiqawi Yuusuf, oo ah madaxweynahii hore ICJ, kaas oo ay ku sheegeen inuu dhinac u janjeero, waana shaqsi kasoo jeeda Soomaaliya.

Inkastoo aysan xukuumadda Nairobi soo bandhigin cadeymo xaqiijinaya waxyaabaha ay sheegayaan hadana waxey ka dhawaajiyeen in Cabdiqawi uu ka qeyb galay shir uu qaranka Soomaaliya ku matalay isla markaana uu garab istaag ugu muujiyay.

Kenya oo wali ka gilgilaneysa xanuunka guuldarada kusoo fool leh ayaa sidoo kale sheegtay in daraf saddexaad uu ku milan yahay kiiska, taasoo ay ku sheegeen inuu dano ganacsi halkaas ka leeyahay.

Waxay qoraalka ku sheegeen in arrinta gacanta saddexaad ay walaaceeda leedahay, khatarna ku tahay xasiloonida, nabadda iyo amniga Geeska Afrika.

Qoraalka ay maxkamadda ICJ u dirtay waxaa ka mid ahaa hawlo aan shaqo ku laheyn kiiskaan oo ay ka mid tahay iney dadaal badan ku bixiyeen nabadgalyada Soomaaliya iyagoo dagaal kala hortagay Al-Shabaab, sidoo kalana ay magangalyo siiyeen shacabkooda kasoo cararay colaadda.

Waxa kale oo ay u sheegtay in diyaargarowgeedii ku aadaneyd dacwada Badda uu hoos u dhigay cudurka Coronavirus, kaasi oo markale kusoo labo kacleeyay dunida.

Ugu dambeyntiina Kenya waxey sheegtay in Soomaaliya ay waddo ajande dhul ballaarsi ah, isla markaana ay dalbanayaan in qaab diblomaasi lagu xaliyo kiiska badda lana tixraaco xuduudahii dib loo asteeyay sanadkii 2014.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here