Kenya oo sheegtay in Ciise Tarabuun uu dalkeeda soo galay xilli lagu ogaa gacanta DF

Cabdiwaaxi Khaliif Cabdi Ciise Tarabuun

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda uu soo galay madaxii hore ee amniyaatka kooxda Al-Shabaab, Cabdiwaaxi Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun.

Booliska dalka Kenya ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda twitter-ka ku sheegay in Ciise Tarabuun uu Kenya soo galay 24-kii September 2019. Si kastaba booliiska ma aysan shaacin sida Ciise Tarabuun uu dalkaas kusoo galay.

Qoraalka booliska Kenya oo uu wehliyey sawirka Ciise Tarabuun ayaa dadweynaha Kenya looga codsaday inay saldhig boolis ee ugu horreeyey kusoo war-geliyaan haddii ay arkaan ama ay helaan akhbaar la xiriirta Ciise Tarabuun.

National Police Service-Kenya✔@NPSOfficial_KE

The National Police Service wishes to inform Mr. Abdiwaahid Khalif Abdi alias Ise Tarabuun whose photograph appears below, a Somali national believed to have arrived in Kenya on September 24th 2019 to report to the nearest police station with immediate effect. 1/2

View image on Twitter

2645:39 PM – Sep 28, 2019Twitter Ads info and privacy363 people are talking about this

Waxaa yaab leh warka kasoo baxay Kenya oo su’aalo bdan dhalinaya, sababtoo ah Ciise Tarabuun waxaa markii ugu dambeysay lagu ogaa inuu ku jiray gacanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa 19-kii June, 2017 shaaca ka qaaday in howlgal laga sameeyey qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha lagu soo qabtay Ciise Tarabuun oo xiligaas ahaa madaxii amniyaatka Al-Shabaab.

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xiligaas sheegay in howlgalka lagu soo qabtay Ciise Tarabuun uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka xasilinta caasimadda.

Sidaas darteed, waxaa su’aal ka taagan tahay sida Ciise Tarabuun uu ku gaaray dalka Kenya, isaga oo ku jira gacanta dowladda. Ma ayada oo aan la shaacin ayaa la siiyey? Ma dowladda Kenya ayaa been sheegeysa oo Ciise Tarabuun dalkeeda soo ma gelin? Mise dowladda Soomaaliya ayaa markii hore been sheegtay oo ma aysan qabin Ciise Tarabuun?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here