Kenya oo si rasmiya uga jawaabtay faragelinta ay Soomaaliya ku hayso (Aqriso)

somalia kenya flag

Dowladda Kenya ayaa jawaab rasmi ah ku diiday eedeymaha Soomaaliya ee ah inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka, waxayna ku qeexday “kuwa la been abuuray oo dano siyaasadeed laga leeyahay”.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal cabasho ah oo ay gaarsiisay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi uga jawaabtay qoraalkii uu danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan u gudbiyey Golaha Ammaanka QM, ee Nairobi ku eedeeyey inay xasilooni darro ka waddo dalkiisa.

Abuukar Baale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku qasbanaan doonto inay Kenya u adeegsato Qodobka 35 ee Xeerka QM, taasi oo macnaheedu yahay dacwad rasmi oo caalami ah oo ka dhan ah Kenya.

Qodobka 35 ee Xeerka QM ayaa dalalka xubnaha ka ah QM iyo kuwa aan ka ahaynba siinaya awood ay Golaha Ammaanka ee QM ku horkeenaan xaalad kasta oo loo arko inay helis ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka.

“Kenya waxa diideysaa eedeymahan aan sharciga ahayn, loona cudur daarin ee ay sameysay dowladda Soomaaliya, waxayna kasoo horjeeda dacwadaha la been abuuray ee ah inay faro-gelineyso Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Eedeymahan aan salka lahayn waxay qeyb ka yihiin taxane joogto ah oo sii kordhaya oo laga leeyahay damac xun oo ah in Kenya loo adeegsado in loogu cudur daarto fulinta qorshe sharci-darro ah oo ka socda gudaha Soomaaliya, oo laga leeyahay dano siyaasadeed.”

“Kenya ma aqbali doonto damacan, waxayna ku boorineysaa dowladda Soomaaliya inay joojiso ololahan, ayna dadaalkan ku bixiso in hoggaan wanaagsan ay siiso shacabka Soomaaliyeed.”

“Dadaalladan waxay gaareen heer Kenya loo hanjabo, waxaana caddeyn u ah hadalkii guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo uu jeediyey 9-kii Febraayo ee uu ku sheegay inay qabsanayaan Kenya oo uu ciidankiisa ku tagayo Nairobi.”

Kenya ayaa sheegtay in in kasta oo uu jiro “ololahan sharci-darrada ah ee ka dhanka ah, gaar ahaan dhanka warbaahinta” ay is xakameyneyso islamarkaan ay ogtahay in Soomaaliya ay ku jiro marxalad kala guur ah, ayna ka go’an tahay in xiisadda la dejiyo.

Hoos ka aqriso qoraalka dowladda Kenya


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here