Kenya oo war ka soo saartay 4 qof oo laga afduubtay Mandhera iyo halka lala aaday

Ali Rob

Saacadihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in dhowr qof laga afduubtay magaalada Mandheera iyada oo arrintaan ay walaac weyn ka muujiyeen Siyaasiyiinta iyo dadka dega Magaalada Mandheera.

Cali Roobow oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mandheera waxa uu sheegay in ay kordheen weerarrada Alshabaab ay ka geysanayaan gobolka tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada dowladda ay weerareen Mandheera si ay uga saaraan ciidamada daacada u ah Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Alshabaab ay shalay oo kaliya ay ka geyteen gobolka 5 weerar, islamarkaana ay afduubteen 4-ruux iyaga oo dab qabadsiiyay gaari ay laheyd dowladda Kenya.

Cali Roobow ayaa tilmaamay in weeraradaan ay ka dhaceen degaanka Jabibar waxaana uu arrintaan sabab uga dhigay weerarkii dhawaan ka dhacay Mandheera oo Alshabaab u sahlay in ay soo galaan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here