Kenya oo war ka soo saartay weerarkii lagu qaaday saldhigga Lamu + Sawirro

lamu weerar alshabaab

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska milatariga Kenya ayaa waxaa looga hadlay weerar xoogan oo saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Lamu ee dalkaasi.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in weerarka uu bilowday 5:30 daqiiqo, islamarkaana ay dagaalyahannadu isku dayeen inay gudaha u galaan saldhigaasi, balse laga hortagay.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay ugu yaraan afar ka tirsanaa kooxdii weerarka qaaday, islamarkaana uu guul ku soo dhamaaday howlgalka, sida uu hadalka u dhigtay.

Warkaan ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in rasaasta la riday ay waxyeelo ka soo gaartay Booyado shidaal oo saldhigga yiilay, islamarkaan uu ka dhashay dab xoogan.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo bayaan ka soo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen qeyb ka mid ah xerada la weeraray oo ay wax ka dagan yihiin ciidamo Mareykan ah oo la sheegay inay tababar siiyaan kuwa dalka Kenya.

Illaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka labada dhinac, basle sawirro laga soo qaaday goobta ayaa la arkayey qiic cirka isku shareeray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here