Kenya oo xuduudda tababar ugu furtay maleeshiyo la rabo inay Axmed Madoobe u qabtaan gobolka Gedo

ciidan gedo2

Dowladda Kenya ayaa xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ka billowday dhismaha xeryo lagu tababarayo maleeshiyo beeleed la sheegay inay daacad u yihiin maamulka Jubaland, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo.

Gudoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha bulashada ee gobalka Gedo Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in ciidamadan cusub loogu talo-galay in la wareegaan gacan ku heynta deegaanada dowladda Soomaaliya ay ka maamusho gobalka Gedo.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii inta badan degmooyinka gobolka Gedo ay ka baxeen gacanta Axmed Madoobe, ayada oo maamulkii iyo ciidamadii joogay ay u goosteen dhanka dowladda.

Maleeshiyada hadda ay Kenya ku tababareyso xuduudda, ayaa sida uu sheegay Axmed Barre, laga soo ururiyey deegaano ka tirsan goballada Gedo iyo Jubba Hoose, waxaana lagu tababarayaa xeryo ciidan oo laga sameeyey duleedka magaalada Mandheera iyo degamada Ceel-waaq.

Maleeshiyadan ayaa la sheegay ay tababarayaan saraakiil kKnyaati ah oo aan ka tirsaneyn ciidamada Amisom, qeybta Kenya.

Mas’uuliyiinta gobalka Gedo ayaa walaac ka muujiyey ciidan beeleedkan oo ay ku tilmaameen tallaabo abuureysa qalqal amni-darro iyo iska horkeen bulsho, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay si deg deg ay arrintaasi uga hor-tagto.

Dhaq-dhaqaaqaan cusub ee ciidamadda dowladda Kenya ayaa ku soo aaday xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay maamullada degmooyinka gobalka Gedo oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta dowladda.

Axmed Madoobe ayaa horey xilalka uga qaaday xubnihii u goostay dhanka dowladda, hase yeeshee waa ay ku gacan seereen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here