Kenya oo xukuno adag ku ridday rag loo heysto weerarkii Westgate Mall

astaanta kenya

Maxkamadda magaalada Nairobi ayaa ku dhowaaqday go’aanka kama dambeysta ah rag loo heystay inay fududeeyeen weerarkii lagu qaaday suuqa Westgate Mall, kaas oo ay sanadkii 2013-kii Nairobi ka fulisay kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labo ka mid ah ragga lagu eedeeyey weerarkan lagu helay inay kaalin ku lahaayeen weerarkaasi oo ay ku dhinteen illaa 67 qof

Garsooraha maxkamadda Francis Andayi ayaa shaaciyey in labadaan nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa  lagu kala xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah, kaas oo ay ku muteysteen  taageerada ay siiyeen Al-Shabaab.

Andayi ayaa sidoo kale shaaciyey in xukunada lagu ridday raggaasi laga jari mudada 7-ada sano ah ee ay ku jireen xabsiga.

Sidoo kale dhowaan ayey maxkamaddu sii deysay Liibaan Cabdullah Cumar oo ay maxkamaddu shaacisay in lagu waayey wax dambi ah, balse waxaa ninkaasi markii xabsiga laga siiyey afduubtay dabley hubeysan oo wadada u galay inta uusan gurigiisa gaarin.

Si kastaba, xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo ay maxkamad ka soo saarto weerarkii Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here