Khaatumo waxay haysataa fursad ay dib uga fiirsato heshiiskii ay Somaliland la gashay

muuse iyo cali khaliif

3 Sano kadib waxaa kulamo madhalays u muuqda yeelanaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

Marka dib loo qiimeeyo mudadii uu Muuse Biixi xilka hayey waxaa cad inaan Xukuumada Somaliland doonaynin inay fuliso heshiisyadii Khaatumo lala galay, balse kulamada ay Cali Khaliif la bilowday uga jeedo dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:

  1. Inay shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ku aamusiiso mudada ay socdaan wadahadaladda Dawladda Federaal Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay cabashadoodu culeys ku tahay Dawladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.
  2. In Cali Khaliif laftiisa looga faaiideysto, oo uu ka soo dhex muuqdo ergada wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

haddii heshiiskii maamulkii Khaatumo lala galay uu Somaliland anfici-waayey, waxaa jira fursado qaaliya oo Khaatumo laftigeedu ka faaiideysan karto, kuwaas oo maalinba maalinta ka dambeysa soo kordhaya.

Sikasta kulamada Cali Khaliif lala bilaabay uma eka kuwo miro dhalaya, waxayna u dhowdahay inay yihiin QALAALQALO KU MEERAYSI hor leh, oo sanado badan Cali ka lumin doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here