Kheyre oo amray in la xiro goobaha waxbarashada, ballan-qaadayna $5 milyan

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyay in  dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda cudurka Coronavirus, dhammaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha aya ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo Arbacada maanta ah iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda CONVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha.

Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo – Alla ma qaddaree-.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo xanuunkan iyo sida looga hortagi lahaa.Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo, ka hortagga fayruskan, isla markaana la raaco timaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan.

Hoos ka daawo muuqaalka ra’iisul wasaare Kheyre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here