Kheyre oo soo dhoweeyey heshiiska ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada

Madaxda dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal kooban ka soo saaray war-murtiyeedkii galabta laga soo saaray shirkii madxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa soo dhaweeyay.

Kheyre oo qoraalkan soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa ku baaqay in sidooda loo fuliyo qodobada lagu heshiiyey, isla markaana laga fogaado mudo kororsi.

“Waxaan soo dhoweynayaa in dalku doorsho aado, waqtiga & nooca doorashadana laga heshiiyay iyada oo laga fogaanayo muddo kordhin. Waxaan ku baaqayaa fulinta qodobada lagu heshiiyay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu sheegay in doorashada dalka oo waqtigeeda ku dhacda ay ku xiranyihiin wax kasta oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya.

“Sidii aan horayba u sheegay doorashada waxaa ku xiran amniga, dhaqaalaha & dhammaan horumarka dalka,” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaarihii dhawaan kalsoonida lagala noqday Xasan Cali Kheyre.

Shirkii maalmahan Muqdisho uga socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray 15-qodob oo ay heshiis uga gaareen doorashada ka dhaceysa dalka dabayaaqada sanadkan iyo horaanta sanadka soo socda ee 2021-ka.

Kheyre ayaa muddo badan u ololeynayey in dalka doorasho ay ka dhaco, kuna dhacdo waqtigeeda, isaga oo ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo inuu doonayo muddo korosi, taasi oo horseeday khilaaf ugu dambeyn xilkiisa uu ku waayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here