Khilaaf hubka nukliyeerka ah oo soo kala dhex galay Ruushka iyo Mareykanka

Hiroshima Nagasak nukliyeer

Dowladda Ruushka ayaa u sheegtay dhiggeeda Mareykanka in ay “si ku meel gaar ah” u joojisay qorshe lagu damacsanaa in kormeer lagu soo sameeyo hubka nukliyeerka ee Ruushka.

Khubaro Mareykanka ka socda ayaa la filayay in ay Ruushka u tagaan si ay usoo qiimeeyaan hubkaas, sida uu dhigayo heshiis ay labada dal kala saxiixdeen oo loo yaqaanno New START (billow cusub).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in Mareykanka uu raadinayo wax uu faa’iido uuna Ruushka u diiday xuquuqda ay u lahaayeen inay dhankooda kormeer noocaas oo kale ah kasoo sameeyaan gudaha Mareykanka.

Warka kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in cunaqabataynta uu Mareykanka kusoo rogay xukuumadda Moscow, arrinta Ukraine awgeed, ay baddashay xaaladihii u dhaxeeyay labada waddan.

Heshiiska kormeerka nukliyeerka waxaa la saxiixay sanadkii 2011.

Waa heshiiskii ugu dambeeyay ee ku saabsan yaraynta hubka oo ay galeen dalalkii uu horay uga dhaxayn jiray Dagaalkii Qaboobaa ee Adduunka.

Waxa uu xaddidayay tirada 1,550-ka gantaal ee riddada dheer ee loo adeegsado bambooyinka nukliyeerka ee uu dal kasta isticmaali karo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in hakinta kormeerka loo cuskaday qodobbo ku jira isla heshiiskaas oo dhigaya in ay wax isbaddali karaan “haddii ay dhacaan arrimaha qaar”. 

Go’aanka kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa yimid hal isbuuc kaddib markii uu madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, sheegay in uu diyaar u yahay inuu heshiis cusub oo ku saabsan hubka nucliyeerka la galo Madaxweyne Vladimir Putin.

Heshiiska hadda jira ee u dhaxeeya labada dal ayuu waqtigiisa dhacayaa sanadka 2026-ka.

Wasaaradda shaacisay go’aanka Moscow ayaa Washington ku eedeysay in ay iska indho-tirayso “xaqiiqooyinka jira” sida “hakinta duullimaadka caadiga ah” ee isku xirayay isu socodka dhinaca hawada.

Heshiiska loo yaqaanno “New START” ayaa la galay kaddib dhowr sano oo ay socdeen wadahadallo lagu dhimayay hubka oo dhex maray Mareykanka iyo dowladdii ka jirtay dalkii la oran jiray USSR.

Duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine bishii February ayaa kiciyay xiisad colaadeed oo u dhaxaysa labada dhinac.

Khilaafka Mareykanka iyo Ruushka ee salka ku haya ayaa laga digayaa in uu horseedo Dagaalka Saddexaad ee Adduunka.

Qaar ka tirsan wariyeyaasha warbaahinta Ruushka ayaa  hadal haya tirada hubka nukliyeerka ee Moscow xilli ay heer sare marayso colaadda kala dhaxaysa Isbahaysiga Nato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here