Khilaafka Itoobiya iyo Masar: Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa ka hadlay sababta ay Soomaaliya u diiday qaraarkii  ka soo baxay Jaamacadda Carabta, islamarkaana ay ula safatay Itoobiya.

Cawad ayaa sheegay in dowladda federaalka ay qaadatay go’aankaasi, iyada oo eegeyso danaha gaarka ah ee darisnimada iyo saaxibtinimada labada dal.

Wasiirka ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee soo gaara Itoobiya ay sidoo kale soo gaarayaan Soomaaliya, ayna dalkeena dan ugu jirin khilaafka ka dhexeeya dalalkaasi.

“Itoobiya daris baan la nahay, saaxiib baan la nahay, sidaas darteedna wixii dhibaato ah oo Itoobiya gaara annagana wuu nasoo gaarayaa. Masarna saaxiib ayaan la nahay, marka Soomaaliya dan uguma jirto khilaaf dalalkaas dhex mara.” ayuu yiri Mr. Cawad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka ay qaadatay dowladdda federaalka ay la qabeen dalal badan oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Qatar.

“Annaga mowqifkeennu – oo ah nala qabeen dalkalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Qadar -wuxuu ahaa in khilaafka ku saabsan biyo xireenka ay dhiseyso Itoobiya oo ay isku waafaqi la’ yihiin Masaarida iyo Suudaan in lagu dhammeeyo wadahadal. Qaraarka ay Masar soo bandhigtay wuxuu dhigayay in Itoobiya aysan buuxin karin biyo xireenka ilaa laga heshiiyo. Dowladda Itoobiyana heshiis wey oggoshahay laakiin waxay diiddan tahay in waqti looga dilo wadahadal dheeraanaya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirku.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey xiriirka Soomaaliya ay la leedahay wadamada gobolka sida Itoobiya iyo Eritrea, waxaana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u socday wada-hadallo saddex geesood ah ay yeelanayeen madaxda dalalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here