Kiisaska cusub ee cudurka COVID-19 ee Somalia iyo dhimashada oo sii kordhay

Foosiyo Abiikar Nuur

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 12 qofood ayka bogsootay cudurka, halka qof kalena oo cusubna uu geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (35) iyo Somaliland, (3).

Kiisaska cusub ayaa 30 ka mid ah waxaa la xaqiijiyay inay yihiin rag, halka sideedna ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 873 waxaa bogsootay 87 Ruux. 39 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Dowladda oo dadaal xoogan ugu jirta xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona ayaa ku howlan sare u qaadidda awoodda dowlad gobaleedyada ee la tacaalidda cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here