Kiisaska dhimashada iyo kuwa cusub ee COVID-19 ee Soomaaliya oo kordhay

Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixintii maalin laha aheyd ee kiisaska la xariira cudurka Coronavirus, waxayna shaacisay kiisas cusub, dad u dhinta xanuunka iyo kuwo ka soo bogsaday.

Warbixinta wasaaradda waxaa lagu sheegay in maanta la diiwaan geliyey 34-kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah.

Seddax qof ayaa u dhimatay xanuunka, halka 17 qofoodna ay kasoo bogsadeen, sida lagu sheegay warbixinta maanta.

Dadka laga helay cudurkaas 27 kamid ah waxa ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, halka todobada kale ay ku noolyihiin deegaanada Puntland.

26 ka mid ah 34-qof ee laga helay cudurka waa rag, halka sideeda kale ay yihiin dumar, sida lagu caddeeyey qoraalka.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 756-kiis, bogsashada ayaa gaartay 61, halka 35-qof ay xanuunkaas ugu geeriyoodeen gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here