Kiiskii saddexaad ee cudurka Coronavirus oo Soomaaliya laga xaqiijiyey

Coronavirus

Wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur oo goor dhaw la hadashay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijisay in qofkii seddaxaad oo Muqdisho ku sugan aga helay cudurka Coronavirus.

Wasiir Fowziya ayaa sheegtay in cudurkaas laga helay qof ajanebi ah oo ka tirsan shaqaalah xaafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho, kaas oo ka howgelayey xarunta UN-ka ee Xalane.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa mar kale xaqiijisay in dalka uusan oolin qalabka lagu baaro Coronavirus, isla markaana baaritaanka qofka laga helay cudurkaan lagu ogaaday dalka dibadiisa oo maalmo ka hor loo qaaday dhiigiisa, kadib markii looga shakiyey.

Ugu dambeyntii wasiir Fowziya ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dalbatay in laga daayo wararka daacayadda ah ee laga faafinayo wasaaradda caafimaadka, iyadoo xustay in ay u badan yihiin dad u badan mas’uuliyiin ay ka faafiyeen in cudurka Coronavirus ee Soomaaliya uu yahay mashruux ay abuuratay wasaaradda caafimaadka.

Sidoo kale war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in mid ka mid ah qandaraaslayaasha ganacsatada ah oo ay howlgeliso Qaramada Midoobey laga helay cudurka Coronavirus.

Qandaraaslaha laga helay cudurkaas ayaa sideed maalmood karantiil ku jira, iyadoo khubarada caafimaadka ay la socdeen xaaladiisa, sida lagu sheegay qoraalka Qaramada Midoobey.

Warka kasoo baxay Qaramada Midoobey ee lagu ee lagu xaqiijiyey qofka uu ku dhacay cudurkaas ee ka tirsan shaqaaleheeda laguma sheegin dalka uu u dhashay.

Ugu dambeyn Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in iyada kaashaneysa hey’adda caafimaadka Adduunka ee WHO iyo dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii loo diyaarin lahaa nidaamyada caafimaadka ee dalka, si loo xakameeyo, in COVID-19 uu ku baaho Soomaaliya.

Waa qofkii seddaxaad ee ku nool Muqdisho oo laga helay cudurka Coronavirus, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaana horay u sheegtay in laga lehay laba ruux oo Soomaali ah, kuwaas oo la karaantiilay xilli ay kasoo laabteen dalka dibadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here