Kismaayo oo laga helay kiisaskii ugu horreeyey ee cudurka Coronavirus ah

Coronavirus

Maamulka Jubaland ayaa maanta shaaca ka qaaday in kiisaskii ugu horreeyey oo Coronavirus ah laga helay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulkaas.

Guddiga ka-hortagga cudukra Coronavirus ee Jubbaland ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Kismaayo ku sheegay in laba qof oo reer Kismaayo ah laga helay cudurkan.

Labada qof ayaa baaritaankooda loo diray magaalada Muqdisho oo lagu soo xaqiijiyey, sida guddiga uu sheegay

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan 20 kiis oo kale oo baaritaankooda loo diray magaalada Muqdisho, kuwaas oo la filayo in natiijadooda dhowaan la shaaciyo.

Waxaa intaas dheer boqolaal kiis oo la tuhunsan yahay oo ka jira magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Jubbaland, balse aan la xaqiijin, sida guddiga ay sheegeen.

Labada qof ee laga helay COVID-19 ayaa waxaa hadda lagu karantiilayaa xarun ay Jubbaland ugu talo-gashay oo ku taalla Kismaayo.

Kismaayo ayaa noqoneysaa magaaladii 7-aad ee dalka Soomaaliya oo cudurka laga helo kadib Muqdisho, Jowhar, Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorama.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in kiisaska guud ee dalka ay gaareen 60 qof. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa la filayaa in warbixinteeda soo socota ay kusoo dirto kiisaska Kismaayo iyo kuwa kale ee dalka kusoo kordhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here