Konteenar khamri uu ka buuxo oo lagu qabtay dekedda Muqdisho iyo ganacsatadii laheyd

Khamri

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta dekadda Muqdisho ku qabtay konteenar ay ka buuxeen dhalooyin Khamri ah, oo la doonayey in lasoo geliyo magaalada

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in konteenarka ay ku jireen in ka badan 500 kartoon oo khamri ah, kuwaas isla maanta lagu gubay magaalada Muqdisho.

Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in Kunteenarkan markii hore lagu sheegay in uu sido shixnad kale, balse baaris ay sameeyeen ciidamada amniga ay ku ogaadeen in kunteenarka ay ka buuxaan dhalooyin Khamri.

Waxaa uu sheegay in Kunteenarka laga dhex helay 500 oo Kartoon oo Dhalooyin Khamri ah iyo 160 Kartoon oo ay ku jiraan qalabka baabuurta, isla markaana ay hayaan dukumiinti cadeynaya dadkii lahaay baarisna lagu hayo, oo tallaabo laga qaadi doono.

Bariise ayaa sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in dalka la soo geliyo Khamri,s idoo kalena ay maxkamad horkeeni doonaan dadka ay ku cadaato inay leeyihiin Khamrigan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mamnuuc ah ka ganacsiga iyo cabitaanka Khamriga, inkastoo haddan siyaabo qarsoodi ah dalka loo soo geliyo, si gaar ahna meelo badan oo Muqdisho ka mid ah lagu cabo, sida Xalane iyo baarar ku yaalla xeebta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here