Koonfur Galbeed: Sanadkii hogaaminta Laftagareen horumarka iyo miisaanka siyaasadeed ee laga dareemayo

calanka koonfur galbeed

Waxay ahayd bishan bisheedii 2018, markii Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u xoog sheegatay Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, maalmo yar dabadeedna ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Roobow, islamarkaana Dec 19, 2018 Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) loo doortay Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa sanad ka dib waxaa muuqda in Maamulkaasi uu helay degenaansho siyaasadeed oo abuurtay inuu horumar lixaad lihina ka bilowday.

Hogaaminta degan ee Laftagareen, wadashaqaynta dhow ee DF iyo bulshooyin ku caan baxay gobanimada, martigelinta iyo tacabka, ayaa soo jiidatay indhaha iyo kalsoonida Beesha caalamka, Dawladda Ingiriisku waxay Baydhabo ka dhistay dugsiga tababarka Ciidanka, halka Maraykankuna uu saldhiga ugu weyn Bali-doogle ka dhigtay, sidoo kale waxaa ku sugan Ciidamadda ugu badan ee Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaas oo soo geliya dhaqaale xoog leh oo waxweyna ka tara nolosha bulshada degaamada ay joogaan.

Degaamada Koonfur Galbeed oo ilaahay ku manaystay barwaaqo, mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka socday diyaargarow la doonayo in laysugu furayo dhamaan degaamada kala xiran ama shabaabku haystaan, taasoo isbedel keeni doonta.

Arinta kale ee ugu muhiimsan ayaa noqonaysa Doorashadda Madaxweynaha 2021, oo Dawladu qorshaynayso inay u codeeyaan degaamaddii ku guuleysta inay isdiiwaangeliyaan, degaamadda Koonfur Galbeed ayaa haysta fursad ay tiradda ugu faraha badani iskaga diiwaangelin karto, taasoo siinaysa miisaan siyaasadeed oo ay ku goaamin karaan cida mustaqbalka dalka hogaamin doonta.

Isku soo wada duuboo Koonfur Galbeed waxay ku socotaa inay noqoto Maamul-Goboleedka Soomaaliya ugu horumarsan, uguna saameynta siyaasadeed badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here