Koox hubeysan oo caawa dad badan ku dishay degmada Kaxda

degmada Kaxda

Koox hubaysan ayaa caawa weerar ku qaaday goob Biibito ah oo ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad dhalinyaro u badnaa.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa geeriyootay tiro intaas ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii koox u abaabulan qaab Qabiil ay soo weerartay goob maqaaxi ah oo dad badan ay ku sugnaayeen.

Qaar ka mid ehelada dadka caawa la dilay ayaa sheegay inay tuhunsanyihiin in dadkaan looga aar gudayay wadaad caan ka ahaa degmada Kaxda oo xalay lagu dilay degmadaas, sidoo kalana lagu dhaawacay labo wiil oo uu dhalay.

Wadaadka ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray isga iyo labo wiil oo uu dhalay rasaas ay xalay ku furtay dabley hubaysan, waxuuna ka mid ahaa guddiga dhismaha waddo hal-bowle u ah degmadaas oo la dhisayo.

Degmada Kaxda ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dagaal beeleed u dhaxeeya beesha degta inteeda badan degmadaas oo u isku dilaysa labo laf oo ay u kala qeybsantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here