Kooxaha dimuqraadiyad doonka ah ee Hongkong oo guul gaaray

hong kong

Kooxaha dimuqraadiyad doonka ee Hongkong ayaa sheegay in guul wanaagsan ay kasoo hoyeen doorashadii ka dhacday halkaas maalma kahor.

Sida laga soo xigtay kooxaha dimquraadiyad doonka ah ee Hongkong, waxaa ay shegeen in ay ku guuleysteen 278 kursi oo goleyash deegaanka, halka kooxaha u janjeera dhanka xukuumadda Beijing na ay heleen 42 kursi.

Inkastoo ay jirtay cabsi ah in doorashada la baajiyo iyadoo loo sababeynayo xasilooni darrida ka taagan Hongong ayaa haddana waxaa muuqata in taasaysan dhicin oo kooxaha rabshadaha waday waxaa ay go’aansadeen in inta ay doorahsada socota joojiyan dibadbaxyada.

Doorashadan ayaa loo arkayay in ay tijaabo u tahay taageerada ay dadka u hayaan xukuumadda Hongkon ee ay taageerto Dowladda Shiinah, kadib bilo dibadbaxyo ah oo looga soo horjeeday maamulka Hongkong.

Maamulka Hongkong iyo xukuumadda Beijing ayaa sheegay in ay rajeynayaan in doorashada ay bidhaamain doonta taageerada ay dadka aan hadlin u hayaan Dowladda, balse waxaa muuqata in taas ay meesha ka dhacday.

Shakhsiyaad muhiim xukuumadda Beijing ayaa sidoo kale guuldarro kala kulmay doorashada.

Mid kamid ah mas’uuliyiinta ugu caansan ee taageera xukuumadda Beijing oo kursigiisiisa waayay ayaa sheegay in wax aan la maleysan karin ay dhacday.

“Waxaa dhacay waxay ahayeen adduun gaddoon aan la arag”, ayuu yiri.

.

Inkastoo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Hongkong aysan lahayn saameyn badan oo shaqadood ay tahay ka shaqeynta adeegyada bulshada, haddana waa doorashadii ugu horeesay ee ay dadka ku muujiyaan ra’yigooda, kagana soo horjeestaan hogaamiyaha Hongkong, Carrie Lam.

Dad gaaraya 4.1 milyan ayaa u diiwaangashan in ay ka codeyaan Hongkong, waxaana lagu soo warramayaa in ku dhawaad 3 milyan oo qof ay ka qeybqaateen doorashada golaha deegaanka.

Dadka ka qeybqaatay doorashada ayaa lagu qiyaasay 71 boqolkiiba, halka sanadkii 2015-ka dadkii codeeyay ay ahayeen 47 boqolkiiba.

Maalmihii ay doorashada socotay waxaa la sheegay in aysan wax rabshado ah ka dhicin Hongkong.

Madaxa Hongkong oo ka hadashay xaaladda degan ayaa tiri sidan “waxaan wajaheyna xaalad adag, waxaana aad ugu faraxsanahay in aan irahdo… in xaaladda ay aad u wanaagsanyed, oo aysna waxo ah dhicin ,”ayay tiri Carrie Lam kadib markii ay codeesay.

Guushan ay gaareen kooxaha kasoo horjeeda saameynta Shiinaha ayaa sheegay in tani ay dhabar jab weyn ku tahay xukuumadda Beijing.

Jimmy Sham, oo ah shakhi u dhaqdhaqaaqa arrimaha siyaasadda ee Hongkong, dhawaan loo doortay in uu noqdo hogaamiyaha urur u dhaqdhaqaqa xuquuqda bani’adamka, qeyb weynna ka qaatay dibadbaxyada looga soo horjeedo ayaa kamid ah dadka ku guuleystay doorashada.

Dadka Hongkong ee dibadbaxyada dhigayay ayaa markii hore ka careysnaa sharci cusub oo dhigaya in dadka gala dembiyada loo sii gudbin karo dalka Shiinaha, waxana arrintaas ay sabab u noqotay dibadbaxyo bilo socady.

Inkastoo sharcigaas meesha laga saaray ayaa haddana shacabka reer Hongkong waxaa ay dalbanayaan in xukuumadda Carrie Lam ay meesha baneyso oo ay iscasisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here