Kooxda Al-Shabaab oo la wareegtay degaan ay kasoo baxeen ciidanka AMISOM

alshabab somalia

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahanada Al-Shabaab ay si nabdoon kula wareegeen deegaan hoostaga magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaankaasi oo lagu magacaabo Maryan Gubaay, kadib markii ay kasoo baxeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ay xoogaga Al-Shabaab ka wadaan deegaankaasi oo ay ka sameysteen fariisimo cusub.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo u warramay VOA ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in marka ay kasoo baxaan deegaanka Maryan Gubaay AMISOM ay la wareegaan ciidamada Xoogga dalka, balse aysan dhicin taas.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada dowladda uga baaqsadeen inay AMISOM bedalaan, kadib markii ay isaga soo baxeen deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah.

Dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ayaa kusoo aadayo, iyada oo magaalada Baraawe ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanada la soo xuli doono, maadaama ay ka mid tahay magaalooyinka la qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada lagu qabanayo Koonfur Galbeed.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo iyagu lagu eedeeyeen inay gaabis ay sameeyeen darteed ay ku timid in lala wareego deegaankaasi.

Si kastaba maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gobollada Shabeelooyinka ka socda dhaq-dhaqaaqyo milatari iyo dagaallo dhex-maray ciidamada Xoogga iyo kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here