Kooxda Al-Shabaab oo markale weerar xoogan ka geystay gudaha Kenya

alshabab somalia

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo saaka dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Kamuudey oo ka tirsan magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, Kenya.

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa lagu qaaday saldhig ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaankaasi, iyadoona la sheegay in dagaalyahannadu ay gubeen.

Sidoo kale weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay illaa saddex Macalin Iskuul;oo ku sugnaa deegaanka, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daray in ragga weerarka fuliyey ay burburiyeen xarun ay shirkadda Safaaricom ku leedahay deegaanka

Illaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo sida uu u dhacay.

Tan iyo markii la guda galay sanadkaan cusun ee 2020-ka kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weeraradeeda Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.

Weeraradii ugu dambeeyey ee khasaaraha badan geystay waxaa ka mid ahaa midkii dhowana ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu ee lala beegsaday saldhig ay wada daganaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykankan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here