Kooxda IS oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii ka dhacay Uganda

daacish

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhimatay qaraxii shaley ka dhacay caasimadda Uganda, saddex kamid ah dadkaas ku dhintay weerarka waxay ahaayeen kooxihii qaraxa fuliyay.

Kooxda IS ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarka, sida ay ku warrantay warbaahinta Amaq.

IS waxay sidoo kale ku anddacootay in ka badan 30 qof ay ku dhinteen weerarka.

Wakaaladda wararka ee IS ee Amaq ayaa sheegtay , “in Uganda ay kamid tahay dalalka qeybta ka ah dagaalka ka dhanka dagaalyanahada IS ee bartamaha Afrika”

Waa markii saddexaad ay kooxda IS sheegtaan mas’uuliyadda weeraro ka dhacay Uganda tan bishii Oktoobar sanadkii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa cambaareeyay weerarka isla markaana sheegay inay ka dambeeyeen “carruur yar yar oo la jahwareeriyay”

Booliska Uganda waxay ku eedeeyeen weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay Uganda inay ka dambeyeen kooxda ADF ee fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Kooxda ADF waxay sheegeen inay taabacsan yihiin ururka la magac baxay dowladda Islaamka.

Afhayeen u hadlay booliska Uganda, Fred Enanga ayaa shaley sheegay in xogaha sirdoonka ay hayaan ay muujinayaan in qaraxa ay ka dambeeyeen maleeshiyaad maxalli ah oo lagu magacaabo ADF.

Wuxuu intaa ku daray in qof kale oo kamid ahaa kooxihii qaraxa ka dambeeyay la qabtay isla markaana gurigiisa laga helay jakadaha qarxa.

Afhayeenka u hadlay booliska wuxuu sidoo kale sheegay in 33 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, 5 kamid ah dadkaas ay la il-daran yihiin dhawaacyo culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here