Kooxda Macawiisleyda oo hub badan ka qabsaday Al-Shabaab kadib dagaal culus

macawisley

Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley ayaa saaka waabarigii hore weerar ku qaaday Al-Shabaab ku sugnaa deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay sida la sheegay kooxda macawiisleeyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka ayaa la tilmaamay inuu yimid kaddib markii kooxda macawiisleyda ay weerar ku qaadeen saakay aroor hore dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa tuulooyin hoos yimaada deegaanka Ceel cali.

Maxamed Cali Istakiin oo taliye u ah kooxda macawiisleyda ku sugan gobalka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen uu kaga dhintay laba askari midna uu ka dhaawacmay halka Al-shabaab uu ku sheegay inay ka dileen 5 dagaalame iyo inay ka qabsadeen laba gaari oo nuuca dagaalka ah kuna xiran qoryaha dhashiikaha.

Ma jirto war ka soo yeeray Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada Kooxdan ka tirsan Macawiisleyda ee saaka weerarka ku qaaday deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan.

Sababta dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ayuu ku micneeyay inaysan dooneyn dadkooda inay ku noolaadaan cabsi xooggan iyo in laga qaado lacago uu ku sheegay inay baad tahay.

Kooxda macawiisleyda ayaa goobo badan oo kamid ah dalka waxa ay kula dagaalamaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here