Kooxo dhibaato culus ku hayey shacabka Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

booliis howlgal amni

Guddoomiyaha maamulka degmada Dharkenley Abuukar Axmed Cadow oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah faahiyey howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyey xaafado ka tirsan degmadaasi.

Cadow ayaa sheegay in howlgalladaan oo ay fuliyeen ciidanka Booliska Soomaaliya lagu soo qabtay labo nin oo dhac ka geysan jiray degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu dhigay hubkii ay dadka ku dhici jireen xilliyada habeenkii ah.

Howlgalka lagu soo qabtay burcada ayuu sheegay inuu amary guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Cumar.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga inta laga ciribtirayo kooxaha burcada ah.

Ammanka degmada Dharkenley ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid aad u liita, waxaana ka dilaacay kooxo burcad ah oo habeen iyo maalin boob u geysta dadka shacabka ah oo qaarkood bilaabay inay isaga barakacaan xaafado qaar ee degmadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here