Kooxo hubeysay toogasho ka geystay degmada AFGOOYE

dhismaha wadada muqdisho afgooye

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Afgooye ee Sh/ Hoose.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay bartamaha magaaladaasi, iyadoona ay fuliyeen rag bistoolado watay oo goobta isaga baxsaday.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa amniga Afgooye ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceeyn, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka marxuumka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaan, waxaana ay shaacisay in xoogag ka tirsan kuwooda ay qeybaha sare ka toogteen askarigaasi.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in askariga la dilay uu ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Banagarafta Soomaaliya.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka iyo sidoo kale maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Afgooye ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, iyadoona dilkii ugu dambeeyey todobaadkii hore degmadaasi loogu geystay Allaha u naxariistee weriye Caweli Cali Xuseen (Online) oo ka tirsanaa shaqaalaha TV-ga Universal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here