Kulan dhex-maray wasaarada amniga DF iyo mas’uuliyiinta gobolka Gedo oo afar qodob laga soo saaray

astaanta soomaaliya

Kulan ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb-galeen guddoomiyaal degmo iyo sarakiil ciidan oo ka socday Gobolka Gedo ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu gar wadeen ka ahaa Wasiir xigeenka Wasaaradda, Cabdinaasir Saciid Muuseayaa looga hadlayey “Amniga Xuduudaha Dalka”, waxaana kadib laga soo saaray war-saxafaadeedkan hoose:-

War-saxaafadeed

Wasaaradda Amniga qaranka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan xog is weydaarsi iyo aqoon korrosi ah oo looga hadlayay “Amniga Xuduudaha Dalka” u qabatay masuliyiin isugu jiray guddoomiyaal degmo iyo sarakiil ciidan oo ka socday Gobolka Gedo.

Waxaa kulankan oo uu gar wadeen ka aha Wasiir xigeenka Wasaaradda, Mudane: Cabdinaasir, lagu qaada dhigay arrimahan soo socda:-

  1. Adkeeynta wada shaqeeynta laamaha Amniga heer Federaal, heer mamul goboleed, heer gobol iyo heer degmo.
  2. Tayeenta adeega Dowladnimo ee dhinaca Amniga iyo bulshaba ila iyo heer degmo iyo tuulo.
  3. Xoojinta wada shaqeeynta Dowladaha deriska iyo AMISOM ee degmooyinka xuduudaha.
  4. Xoojinta dagaalka lagula jiro kooxahaa Argagixisadda iyo sugidda Amniga xuduudaha dalka.

Falan-qeeyn dheer iyo fikir is weydaarsi kadib, dhinacyadu waxeey isla garteen arrimaha soo socda:-

  1. In la xaqiijiyo lana ilaaliyo midnimadda iyo wada jirka bulshadda Soomaaliyeed.
  2. In sare loo qaado lana xoojiyo wada shaqeeynta ka dhaxeeysa laamaha Amniga Dowladda Federaalka, maamul goboledka iyo degmooyinka.
  3. In la ilaaliyo lana xoojiyo wada shaqeeynta fiican ee Dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya Dowladddaha deriska iyo ciidamada AMISOM dhinaca sugida Amniga xuduudaha.
  4. In si wada jir ah loola dagaalamo Argagixisada hal dhinacna looga soo wada jeesto.

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here