Kulan lagu taageerayay kuraasta Aqalka sare ee Gobolka Banaadir oo xalay qabsoomay

odayaal muqdiso

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay kulan lagu taageerayey   kuraasta Aqalka sare laga siiyay Gobolka Banaadir, waxaana kulankaas ka qeybgalay madax kala duwan oo isugu jiray heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed.

Kulankaan oo uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxay madaxdii kasoo qeybgashay oo dhan codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha kuraasta 13-ka ah ee ay Banaadir ku yeelan doonto Aqalka Sare.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo kamid ahaa madaxdii ka qeyb gashay kulankaas ayaa sheegay in Shacabka Muqdisho ay marti geliyeen Dowladda isla markaasna ay usoo dulqaateen dhibaatooyin badan haddan ay tahay lagama maarmaan in loo abaalgudo.

“Dowladnimadeena horumarka ay gaartay in ay noqoto hoygii isu keenayay Soomaalida dibna u mideynayay mar labaad, Muqdisho matalaad waa ay heshay 13 iyo wax ka badan way istaahishaa, maqaamkana waxa uu ku xusan yahay qodobka 9-aad ee Dastuurka, awoodaha Golaha shacabka uu leeyahay waaye, Xukuumad ahaan, Gobolka Banaadir iyo guud ahaan waan kawada shaqeyneenaa” ayuu yiri Mahdi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isna kulanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in aysan jirin cid si cad u diidan maqaamka Gobolka Banaadir balse ay jiraan dad si qaldan u baalmaray tarjumaada xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir .

“Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka hadlo kuraasta la siiyay Gobolka Banaadir iyo matalaadda Caasimadda, Madaxda Dowladda waa in ay sameeyaan Tarjumaad dhinaca saxan ah oo ay kaliya waafajiyaan sharciga, ka Guddoon ahaan waan garab taaganahay in la xaqiijiyo kuraasta 13-Senatar ee Golaha u ansixiyay”  ayuu yiri Mudane Mursal.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mucaaradka Dowladda oo isna kulanka ka qeybgalay ayaa sheegay in 13-ta Kursi ee la siiyey gobolka Banaadir ay tahay wax yar oo aan dhameyn wax lagu kala dhinto, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu si deg deg ah u meel mariyo sharcigaan.

“Waxa aan rabaa in aan meeshaan fariin uga diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Mudane Madaxweyne sida aad ku sheegtay khudbaddii aad ku jeedisay 6-dii June iyo soo dhaweyntii 27-kii June kuraasta Gobolka Banaadir Ansixinta kadib, in aad soo dadajiso dhameystirka wax ka dhiman oo ah in aad saxiixdid“ Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta kasoo jeedo ayaa si cad uga hor imaaday matalaada loo meel mariyey Gobolka Banaadir iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid aan waafaqsaneyn Dastuurka Dalka u yaalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here