Kumaandooska Somalia oo xalay weeraray saldhigyo waa weyn oo ay leeyihiin Al-Shabaab

danab kumandoos

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ah ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ku qaadeen Saldhigyo Milateri oo ay dagaalmayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen degmooyin ka tirsan gobalka Jubada Hoose ee koonfurta Soonaaliya.

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa weerarka goobaha ay ku qaadeen waxaa kamid ah fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale ee gobalka Jubada Hoose waxaana la sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Xubno ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in ay beegsadeen Saldhig milateri oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Bu’aale oo kamid degmooyinka ay ku xoogan yihiin.

Sidoo kale ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah waxay xalay weeraro kale ka fuliyeen degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, iyo tuulada Jameeca ee gobalka Shabeelada dhexe oo ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen ciidamo ay uga hortagaan abaabul dagaal oo ay wado dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Milateriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska ayaa sheegay in ay shaacin doonaan xog ku saabsan weeraradaan ay xalay ka fuliyeen fariismaha Al-Shabaab ee koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qorsheysay dagaal saf ah oo ay ciidamada Soomaaliya ka bilaabi doonaan Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle waxaana ka hor howlgalkaasi bilaawday dhaq dhaqaaq dhanka cirka ah oo lagu beegsanayo Saldhigyada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here