Kurdiyiinta Suuriya oo ka baxay fadhiisimo ay ku lahaayeen soohdinta Turkiga

kurdiyiin YPG

Dagaalyahannada Kurdiyiinta woqooyiga Suuriya ayaa shaaciyey in ay ciidamadoodii, saanaddii cuslays kala soo baxeen fadhiisimo ay ku lahaayeen goobo ku yaal xadka Turkiga, sidoo kalena ay baabiiyeen dhufaysyadii ay ku lahaayeen goobaha ay ka baxeen.

Waxay sheegeen dagaalyahannadaa Kurdiyiinta ah ee goobahaa haystay in ay Sabtidii ka “bilaabeen tallaabadii ugu horraysay ee hawlahaas ah Ra’s Al-Cayn oo ay baabiyeen dhufaysyadii ay halkaa ka samaysteen sidoo kalena ay ka soo saareen xoogagga ilaalada shacabka Kurdiyiinta ee YPG iyo saanaddooda culus badhkeed.”

Wakaaladda Wararka ee Rueters ayaa soo xigatay af-hayeenka isbahaysiga xoogagga dimuqraadiga Suuriya Mustafa Bali in uu sheegay in xoogagga ilaalda Shacabka Kurdiyiinta iyo xoogaya dimuqraadiga ah ee Suuriya oo Maraykanku taageeraa in ay goobhaa dib uga gurteen qiyaastii 5-14 Kiiloomitir.

Waxaanu intaa ku daray in iyadoo laga duulayo wadaxaajoodkii Maraykanka iyo Turkigu yeesheen ay ciidamadu ka durki doonaan xadka Suuriya iyo Turkiga.

Arintani waxay daba socotaa wadaxaajood ay ka yeesheen Turkiga iyo Maraykanku ciidamadaa Kurdiyiinta ee xadka Turkiga iyo Suuriya jooga, kuwaas oo Turkigu ku hanjabay in uu dagaal ku qaadi doono maadaama oo ay halis ku yihiin nabadgelyada gobollada Kuridiyiintu deganyihiin dhanka Turkiga ee xuduudda ku teedsan.

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa shaaciyay in dalkiisa uu qaadi doono hawlgal milateri oo ka dhan ah xooggaga Kurdiyiinta uu Maraykanka taageero ee ku sugan waqooyiga Suuriya.

Waxa uu sheegay in hawlgalka ay ku beegsan doonaan deegaannada ay ka taliso jabhadda YPG ee bariga webiga Furaat.

Turkiga ayaa marar hore duulaan xooggaan ku beegsaday xooggaga YPG ee ku sugan galbeedka webigaasi.

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

“Horay waxaan u galnay Cafriin, Jarablus, Al-Bab, haddana waxaan geli doonnaa bariga Furaat. Xogtaasi waxaan la wadaagnay Ruushka iyo weliba Maraykanka.” ayuu yiri Erdogan

Milateriga Turkiga ayaa marar hore fuliyay weerarro uu dagaalyahannada Kurdiyiinta ah uga saarayo deegaannadaasi, waxaana uu u arkaa YPG urur argagixiso oo la mid ah kan isku magacaabay dowladda Islaamka.

Balse arinta waxaa cakiray taageerrada uu Maraykanka siiyo Kurdiyiinta, gaar ahaan YPG.

Xilli Washington ay isu diyaarinayso inay dhinto hawlgalkeeda milateri ee Suuriya, ayaa waxa uu maamulka Trump ballanqaaday inuu gacan ka geysan doono samaynta aag ammaan ah oo dhaca xuduudda waqooyi bari ee ay Suuriya la leedahay Turkiga.

Xukuumadda Ankara ayaa u muuqata mid ku daashay ballanqaadka aan fulin ee Washington, duulaan ka dhan ah Kurdiyiinta oo ka dhaca bariga Furaat-na waxa uu dhalin karaa colaad ballaaran oo horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here