Kursiga HOP067 oo ay isku haystaan Yasin Farey iyo Tuuryare?

Yasin Farey iyo Tuuryare

Waxaa maanta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho ka dhacay doorashada xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saartay xildhibaannadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka iyagoo sheegay in doorashadaasi ay tahay sidii ay ku bilaabatay.

Dhanka kale se waxaa soo baxaya cabasho ay qabaan qaar ka mid ah odayaasha deegaan doorashada kuraastooda ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo sheegaya in ergo aan sax ahayn la xaraynayo kuwii reerkana laga tegay.

Waxaa odayaashaas ka mid ah Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP067, wax uu ka ogyahayna aanay jirin ergada joogta magaalada Dhuusamareeb, isagana laga hor istaagay inuu magaaladaas tago.

Kursiga doodda dhaliyey muxuu yahay?

Dood ayaa ka dhalatay tallaabo ay guddiga doorashada ay waqradaha aqoonsiga diiwaangelinta ku guddoonsiiyeen taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, arrintaas oo lagu tilmaamay mid hareer marsan habraacii doorashada.

Musharraxiinta war saxaafadeedka soo saaray iyo siyaasiyiin kaleba waxay si gaar ah caro uga muujiyeen go’aankaas, iyagoo sheegay in xeerka la isku ogyahay uu ahaa mid dhigaya in sarkaal xil haya aan loo oggolaanin doorashada ilaa uu iska casilo saddex isbuuc ka hor waqtigaas.

Guddiga doorashada ayaase sheegay in qodobkaas ay ku saxan yihiin, habraacuna uusan cidna ka reebeynin doorashada.

“Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii wadatashiga qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xaddidayo muwaadinka Soomaaliyeed ee xilal haya – ama xil dowladeed ama xil ciidan – inuu iska soo casilo kursiga uu hayo.

“Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isasoo casilaan 7 maalmood ka hor,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada ee guud.

Yaa ka mid ah dadka kursigaas cabashada ka muujiyey

Xulista ergada kursigaas ayaa durba dhalisay muran badan iyadoo dhinacyo kala duwan, qolaba iskeed u sheegaynayso in ay xaq u lahaayeen in ay soo xulaan ergadaas.

Nabadoon Cali Xasan oo ku magac dheer Cali Jeesto ayaa BBC-da u sheegay in uu isagu yahay qofka xaqa u leh soo xulista ergada kursiga 67.

“Waxaan ahay nabaddoon beelaha .. oo lagu metelo tirsigiisu yahay 67 oo deegaan doorashadiisu tahay dhuusamareeb, waxaana lagu wargeliyey kursigi in la soo dhejiyey, waxaanu u istaagnay sidii doorasho hufan aanu u qaban lahayn.

“Akhyaartii iyo intii talo ku lahayd oo dhan ayaan is wacnay waxaanu diyaarinay ergadeedii, annaga oo hawsheedii ku jirna ayaa ergo kale iyo rag ciidamo ah oo is wataa meeshii tageenn anagana in aan tagno ciriiri aa nalagaga geliyey, intaasaan ka cabanaynaa oo kursigaas saxiixihiisii anigu aaan ahay.”

Dhanka kale afhayeenka doorashada dadban ee Soomaaliya, Axmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay in ergada kursigaas 67 uu soo xulay Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor oo ah odayga guud ee reerkaasi iyo nabadoonno kale oo la socday, kuwaas oo uusan ku jiran Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto).

Waxaana sida oo kale baraha bulshada laga arkayey sawirrada Boqor Cabdullaahi Geeddi oo ay la joogaan qaar ka mid ah musharraxiinta kursigaas ku tartamayey. Waxaana dadkaas ka mid ahaa Yaasiin Farey oo ah ninka musharraxnimadiisa uu muranka ugu badani ku gedaaman yahay.https://www.bbc.com/ws/av-embeds/cps/somali/war-59403996/p0b5mzdv/soQoraalka Codka,

Taliyaha NISA, Yaasiin fareey ayaa loo diiwaangeliyay doorashada isagoo weli xilka haya

Musharrixiinta isku haysa kursigaas

Kursigan waxaa muranka ugu culusi dhex yaallaa laba masuul oo midna hadda ka tirsan yahay Haayadda NISA midna hore uga tirsanaa haayaaddaas.

Kuwaas oo kala ah Taliyihii hore ee Haayada Nabad sugida (NISA) Janaraal Abdirahman Tuuryare iyo ku simaha taliyaha NISA ee hadda, Gaashaanle Sare Yaasin Cabdullaahi Fareey.

Waxaa se iyana jira musharrixiin kale oo kursigan hunguraynaya oo raba in ay ku tartamaan oo gaadhaya ilaa iyo shan, waxaana ka mid ah:

  • Murashax Cabdiraxman Axmed Cumar (cabdi barre)
  • Murashax Cismaan Xassan (Ow-gaab)
  • Musharrax Cali Caraaye Cosoble (Gacmaduule)
  • Musharrax Maxamed Cali Culusoow
  • iyo rag kale oo aan weli magacyadooda shaacin

Kursigan ayaa ka mid ahaa shanta kursi ee ay Galmudug sheegtay in ay ku bilaabayso doorashada, waxaana illaa hadda la doortay laba, wuxuuna ka mid noqon doonaa saddexda dhiman.

Kursigan waxa hore ugu fadhiyey Caddow Cali Geesay, oo isagu hadda iskaga hadhay tartankaan.

Maalmaha soo aaddan ayaa la filayaa in la doorto, inkasta oo durba shakiga hadheeyey kaas oo u muuqdo mid aan si fuduf ku xallismayn.

Dhawr musharrax ayaana xilli horeba sii qaatay shahaadadii ay tartanka kursigaan ku geli lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here