Kuuriyada Waqooyi oo riday labo gantaal oo aan noocooda la sheegin

kuuriyada waqooyi

Kuuriyada Waqooyi ayaa labo gantaal oo aan noocooda la sheegin ku gantay badda, sida laga soo xigtay milatariga Kuuriyada Koofureed.

Milatariga Kuuriyada Koonureed ayaa sheegay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi laga soo ganay dhul ku yaalla Koonfurta gobolka Pyongan isla markaasna la mariyay biyaha xeebaheeda bari.

Kuuriyada Koonfureed ayaa qabanaysa kulan degdeg ah oo ay isugu imaanayaan golaha ammaanka qaranka iyaga oo ka jawaabaya arrinta soo korodhay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa bilihii dhawaa tijaabisay noocyo badan oo gantaallo ridadoodu gaaban tahay ah. Haddii kuwan la xaqiijiyana waxay noqon doonaa tijaabadii tobnaad tan iyo bishii May.

Arrintan ayaa imaanaysa saacado uun ka dib markii wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Choe Son-hui ay soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegtay in dalkeedu uu diyaar u yahay in uu wadahadallo dib ula furo Maraykanka dhammaadka bishan Sabtembar.

Waxay sheegtay in kulankaas la qaban doono marka ay labada dhinac ku heshiiyaan wakhtiga iyo goobta lagu qaban dooono. Si kastaba ha ahaatee Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka u digtay, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in lala yimaaddo qorshe ka gadisan midkii hore haddii aan sidaa la yeelinna ay wadahadalladu dhicisoobi doonaan sidii kuwii ka hore..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here