Kuwait oo ku dhawaaqday go’aan saameynaya Al-Shabaab iyo Axmed Madoobe

dhuxul

Wasaaradda ganacsiga dalka Kuwait ayaa ku dhawaaqday in ay gabi ahaan mnuucday dhuxusha looga dhoofiyo gudaha Soomaaliya.

War qoraal oo ah ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inay ka cabsi qabto in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in wasaaradda ganacsiga Kuwait ay aragtay warbixino ka soo baxay Qaramada Midoobay, kuwaas oo sheegaya inay si toos ah si dadban lacagaha laga helayo dhoofinta dhuxusha Soomaaliya lagu malgeliyo kooxda Al-Shabaab.

“Wasaaradda waxaa ay mamnuucday dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii ay timid cabsi ah in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso.” ayaa lagu yiri warkan.

Go’aankan ayaa saameyn daran ku yeelanaya Al-Shabaab oo dhaqaale badan ka hesho dhuxusha sida sharci darrada ah ee laga dhoofiyo gduaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan dekedda weyn magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhuxusha laga dhoofiyo dekeddaasi ayaa lagu eedeyey inay ku lug leeyihiin ciidamada Kenya, inkastoo xukuumadda Nairobi ay ka hortimid eedeymahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here