La-taliyaha amniga qaranka Ethiopia oo Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo

Ethiopia Gedu Andargacho

La-taliyaha amniga qaranka ra’iisul wasaaraha Ethiopia Gedu Andargacho ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, oo uu kula kulmay madaxweyne Farmaajo, isaga oo soo gaarsiiyey farriin ka timid Abiy Ahmed

Gedu Andargacho oo maanta soo gaaray Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kuso dhoweeyay La-taliyaha Amniga ee Madaxweyaha Cabdi Siciid Maxamed Cali iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaduliin Mustafa.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Jamaludin ayaa goordhow bartiisa Facebook ku shaaciyay kulanka La Taliyaha Amniga Qaranka iyo Madaxweyne Farmaajo, ayna is weydaarsadeen waxyaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya.

La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka wada-hadlay howlgalka ee dowladda Itoobiya Gobolka Tigray, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo taageero u muujiyay howlgalka.

Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin kulanka, iyadoo Itoobiya ay hore ergooyin ugu dirtay dalalka Bariga Afrika si ay uga sharxaan mowqifka Itoobiya ee dagaalka ka socda Gobolka Tigray.

Socdaalka La Taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii Wasiirkii Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xilka looga qaaday war saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Dibadda uga hadashay xaalada Itoobiya, iyadoo markii dambe bartiisa Twitter-ka ku beeniyay inuu jiro war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo ku saabsan dagaalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here