La-taliyihii gaarka ahaa ee amiirka Al-Shabaab oo la sheegay in duqeyn lagu dilay

shabaab sarkaal

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan goballada Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in xalay duqeyn lala beegsaday dagaalamayaal Al-Shabaab ah, oo ku sugnaa xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in duqeynta lagu aadiyay iyadoo loo khudbeynayo ciidamo Al-Shabaab ah oo loo diyaariyay iney weeraraan degaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in la duqeeyay xubno Al-Shabaab ah oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe.

Duqeynta Jilib ayaa la sheegay in lagu dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, gaar ahaan Golaha fulinta ee Al-Shabaab. Wali magaciisa lama helin balse wararka qaar ayaa magaciisa ku soo koobaya Yuusuf.

Duqeynta ugu culus ayaa ka dhacday degaanka Haway ee gobalka Shabeellada Hoose waxaana lala beegsaday la taliyaha gaarka ah ee hogaamiyaha Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mustaf Caato.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Mustaf Caato oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan la dilay waxaana sidoo kale duqeyntaas ku dhintay xubno isaga la socday oo u badan ilaaladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here