Laamaha amaanka Dhuusamareeb oo mamnuucay in shirar aysan ka warqabin lagu qabto hoteelada iyo maqaayadaha

ciidamada onkod 1

Amar ka soo baxay laamaha amaanka magaalada Dhuusamareeb ee hoos taga dowladda federaalka ayaa lagu mamnuucay shirarka aysan ka warqabin ee lagu qabanayo goobaha hoteelada iyo maqaayadaha ee magaalada.

Caasimada Online ayaa ogaatay in si gaar ah amarkaan loola wadaagay milkiilayaasha hoteelada ku yaalla magaalada Dhuusamareeb.

Amarkaan oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa milkiilayaasha hoteelada magaalada waxaa looga digay in hoteeladooda aan lagu qaban karin shir aan ogolaasho ka heysan iyaga ama liddi u ah dowladda federaalka.

Amarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada ay kulamo uga socdaan hoggaanka Ahlu-Sunna, kuwaas oo ka arinsanaya wixii ay ka yeeli lahaayeen talaabdii uu shalay qaaday guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada maamulkaas.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Galmudug, kuwaas oo iyaguna Dhuusamareeb ka wada kulamo ay uga arinsanayaan hanaankii ay saamayn ugu yeela la haayeen maamulka loo dhisayo Galmudug.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu daadiyey inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here