Laamaha Amniga oo isu diyaarinaya banaanbax weyn oo Muqdisho looga diyaargaroobayo

muqdisho no4

Waxaa saaka xiran qaar kamid ah wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyada oo la filayo in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka dhaco banaanbax uu soo qaban qaabiyey Maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xirey wadooyin ay kamid yihiin, agagaarka Taalada Dajirka Daahsoon, wadada ka baxda Suuqa Beerta ee aada dhinaca wadada Maka Al-mukarama, wadada ka baxda Isgoyska Ceelgaabta ee aadan dhinaca Isgoyska Xamar jajab iyo wadooyin kale, kuwaas oo loo diidayo inay Gadiidka noocyadiisa kala duwan isticmaalaan.

Sababaha wadooyinka loo xirey ayaa ah in Maanta la qabanayo bannaanbax ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, ka dib qaraxii maalintii Sabtida ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa kii saddexaad ee dadkii ugu badnaa ku dhintaan, kana dhaca Magaalada Muqdisho ayaa argagax-geliyay shacabka Soomaaliyeed, dal iyo dibadba.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Talaadadii iclaamiyay in dadweynaha reer Muqdisho ay Khamiistan isugu soo baxaan wadooyinka, iyadoo bannaanbaxaasi lagu muujinayo sida ay dadku uga soo horjeedaan Al Shabaab.

Dadweyne fara-badan ayaa waxaa la fillayaa inay maanta ka qayb qaataan bannaanbaxani, oo dadweynaha reer Muqdisho ay dunida ugu iftiimin doonaan, sida ay uga daaleen falalka argagixiso.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo Arbacadii dhagax dhigay Xarunta Degmada Warta Nabadda oo ku burburtay weerar ismiidaamin ahaa, oo Shabaabku ku qaadeen 14-kii bishii May ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay Shabaab ugu aqoonsadeen cadowgooda.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Somaliya ay ka gudubtay meeshii ay shalay ku dhacday, isla-markaana uu hubo in dadka Soomaaliyeed ay midnimadooda ilaashan doonaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa samirkooda, dulqaadkooda, isu duubnidooda iyo sida ay u garteen cadowgooda, meelna ay uga soo wada jeesteen. Waxaan hubaa Somaliya inay ka istaagtay meeshii ay shalay ku dhacday, waxaan hubaa dalkaan haddii uu Alle yiraahdo inuu horumarayo, waxaan hubaa dadka Soomaaliyeed oo ah kuwo waxbartay, oo shalay sidii ay ahaayeen aan maanta ahayn inay midnimadooda adkeysan doonaan.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here