Laascaanood: Hub magaalada la soo dhoobay, Meydkii oo aan weli la aasin iyo isku dhacyo laga cabsi qabo

ciidamada somaliland

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii ugu dambeeyey kacsanayd kadib markii Ciidamada Booliiska Somaliland ay nin shacab ku dileen gudaha Magaaladda, marxuumkaas oo aan weli meydkiisii la aasin, waxaa lala sugayaa in ninkii dilay aakhiro u raaco.

Saaka Salaaddii subax kadib ayaa magaalada waxaa la soo dhoobay tikniko iyo Ciidamo farabadan, kuwaas oo u soo diyaargaroobay inay cabudhiyaan kacdoonka shacabka ee Magaalada ka taagan.

Ciidamada iyo shacabka ayaa aad u sii kala fogaaday, kadib markii uu ninka taliyaha ka ah ciidamada Somaliland ee gobolkaas ku sugan GENERAL CALI BARRE uu si kibir iyo aflagaado ku jirto ula hadlay odayaal ergo ugu tegay, waxaana lagu soo balamay WAXAAN KALA QAADNO BAA INOO DHEX AH.

Isku dhaca ayaa markasta bilaaban kara, iyagoo shalay ay 3 qof dhaawacyo kala duwani gaadheen.

Caruurta Maamulka Gobolka ugu qoran ayaa iyaguna qas iyo kicin sii abuuraya oo xaalada uga sii daraya, waxayna ku mashquulsan yihiin inay warar aan sax ahayn labada dhinac u kala gudbiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here