Laascaanood: Muran ka dhashay dhulboob oo qof ku dhintay iyo Saraakiil la eedaynayo

lasanod

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in muran ka dhashay dhulboob la caadeystay uu ku dhintay hal qof oo ku habsadeyaashii ka mid ah, mana la garanayo cida xabada lahayd.

Ciidamada Booliiska Gobolka Sool oo la tacaalaya amaan xumo ay abuuraan nooca caaqlaha loo yaqaano ee sida direyska Ciidamada Somaliland ayaa goobta tegay oo xaalada la wareegay meydkiina Saldhiga geeyey.

Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa aad uga cabanaya dhulboob iyo ku habsi la sheegayo inuu soo abaabulo Taliye ku xigeenka Saldhiga 7aad Ibraahim Ashkir, oo hogaaminayey Saraakiil xoog ku jabsatay Saldhiga Dhexe ee Booliiska Laascaanood, kuwaas oo kala baxay nin eedaysane ahaa.

Saraakiishan dembiga weyn gashay wax talaabo ah lagama qaadin, waxaana laysla dhexmarayaa inay hayaan xogo ku saabsan falal degaamadaas ka dhacay gaar ahaan toogashada shacabka banaanbaxa sameeya. horey ayaa Taliska Ciidanka Somaliland u sheegeen in gacan ku dhiigle Siciid Cawil Caare uu 4 qof ku dilay Gobolka Sool oo inta la sii daayey hadana la dalacsiiyey.

Tan iyo markii Qaybta Booliiska Axmed Cabdulaahi Cabdi (Axmed Abow) ayaa isbedel weyn laga dareemay amaanka Laascaanood oo si tartiib tartiib ah u soo wanaagsanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here