Laascaanood oo xalay nin lagu dilay midna lagu dhaawacay

lasanod

Xalay fiidnimaddii ayaa nin la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Somaliland wuxuu rasaas ku fulay nin kale oo la xaqiijiyey in ay isku ciidan ahaayeen, sidoo kale wuxuu dhaawac culus gaadhsiiyey oday weyn.

Gacan ku dhiiglaha oo dadka ku leynayey xarumihii dawlada iyo duleedka Saldhiga 7aad ayaan cidi qaban oo goobta ka baxsaday.

Inta badan amni xumada magaalada Laascaanood waxaa sababa Ciidamada caaglaha loo yaqaano, kuwaas oo sida muuqata ay Somaliland ugu talo gashay inay shacabka iyo banaanbaxyada ku cabudhiyaan, islamarkaana bulsada degaanka ku kala qaybiyaan.

Waxay shacabka ku ridaan qoryaa lidka diyaaradaha, sidoo kale waxay soo abaabulaan dembiyo iyo warbixino been abuur ah-

Dhamaan xadgudubyada iyo dilalka ay ciidamadani geestaan waxaa masuuliydeeda leh Somaliland, waxaana imaan doonta maalin lagala xisaabtamayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here